U bood dhigaalka

Shir Lagu Heshiisiinayo Labo Beel Oo Maanta Ka Furmaya Jowhar

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe uu ka furmo shir ballaaran oo lagu heshiisiinayo beello walaalo ah oo ku dagaallamay gobolkaasi.

Shirkaan oo qabanqabadiisa ay socotay maalmihii ugu dambeeyay ayaa maanta waxaa furitaankiisa ka qeybgali doona mas’uuliyiin Hirshabelle ah, saraakiil ciidan iyo xubno matalaya maamulka gobolka Shabellaha dhexe.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo soo afjari lahaa colaaddan beelahan, islamarkaana laga heshiin lahaa wax walbo oo horey u dhacay.

Jowhar waxaa ku sugan dhammaan waxgaradka Labadan beel, waxaana ay qalinka ku duugi doonaan in mar kale aanu dagaal dhicin.

Beelahan ayaa ku dagaallamay deegaan duleedka ka ah degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha dhexe, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala sooc wararkeena kale

Goobjoog News