U bood dhigaalka

Shir Lagu Wacyigelinayo Dhalinyarada Oo Lagu Qabtay Magaalada Nairobi

Sheeko:Dalka

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu qabtay kullan ballaaran oo dhalinyarada looga wacyigelinayo Fikirka Xagjirnimada iyo arimo la xiriira dhanka amniga.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay dowladda Hoose ee magaalada Nairobi, saraakil ciidan, Ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kale, waxaana soo qaban qaabiyay urur lagu magacaabo Kobciye Community Center.

Muhiimadda shirkaan ayaa lagu sheegay in dhalinyarada looga wacyigelinayo Fikradaha xagjirnimada islamarkaana lagu dhiira gelinayo Bulshooyinka kale, gaar ahaan dadka dalka Kenya oo Soomaali badan ku noolyihiin.

Mas’uuliyiintii ka socotay dowladda Hoose ee magaalada Nairobi ayaa dhalinyaradii Soomaaliyeed ee kasoo qeybgashay shirkaasi waxa ay weydiiyeen su’aalo la xiriiray sababaha dalkaan markii ay wax ka dhacaan loo beegsado dadka Soomaaliyeed oo kaliya, iyadoo mas’uuliyiintaasi ay uga jawaabeen dhalinyaradaasi su’aalihii ay weydiiyeen.

Shirkaasi markii uu soo dhamaaday ayaa Goobjoog News, waxa ay su’aalo ka weydiisay Cabdinuur oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Kobciye, sababta shirkaan ay usoo qaban qaabiyeen iyo muhiimadda uu u leeyahay dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, sidoo kale uu ku saabsanaa is dhexgalka bulshada iyo u ololeynta nabadda, loogana hadlayay arimaha xagjirka.

“Waxaan ognahay in dalka Kenya ay ku nool yihiin Soomaali badan, waxaana jira shakiyo badan oo u dhaxeeya bulshada qeybaheeda kala duwan sida Kenyanka iyo Soomaalida, sidaa darteed si aan isku fahamsiinno Bulshada in ay is dhex gasho ayaan usoo qaban qaabinay kulankaan, waxaana rajeyneynaa in mira dhal ay taasi noqoto, waxaana ku dhiira gelinayaa dadka ku dhaqan xaafadda Islii in ay u ololeeyaan xagga nabadda, maxaa yeelan Nabadda hadaad hesho horumar dhan walbo leh ayaad gaaraysaa” ayuu yuru  Cabdinuur.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadkii shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in ay ka barteen waxyaabo badan oo markii hore ay sheegeen in dabool ay uga saarnaayeen arimo badan oo muhiim ah iyo sidoo kale arimo ku aadan ka shaqeynta Nabadda.

Meelo badan oo ka mid ah dalka Kenya waxaa ka jira falal la xiriira amni xumida, waxaana inta badan markii ay dhacdo amni darri loo waxyeeleeyaa dad badan oo Soomaaliyeed.

Goobjoog News