U bood dhigaalka

Shir Looga Hadalayey Amniga Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayey arrimaha amniga Jubbaland, laguna falanqeynayey waxyaabihii kasoo baxay shirkii golaha amniga Qaranka ee kusoo dhammaaday Muqdisho.

Waxaa shirkaan guddoominayey maalmihii uu socday madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, waxaana ka qeybgalay wasiirada iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada Jubbaland.

C/rashiid Janan, wasiirka amniga Jubbaland ayaa saxaafadda u faahfaahiyey waxyaabihii kasoo baxay shirkaan, wuxuuna tilmaamay in looga hadlay sidii amniga Jubbaland loo xaqiijin lahaa, waxyaabaha ka maamul ahaan la tagi doonaan shirka soo socda ee golaha amniga Qaranka iyo xoojinta dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Shirkaan ayaa la qabtaa Saddexdii Bilba mar, waxaana diiradda lagu saaraa sidii loo xoojin lahaa amniga Jubbaland.

Goobjoog News