U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlay Fatahaadaha Wabiga oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Amniga
Waxaa maanta Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ka furmay shir deg-deg ahaa oo looga hadlayey xaalada adag ee ka jirta Magaalada oo fatahaad uu ka sameeyey Wabiga Shabelle iyo sidii gurmad deg deg ah loogu heli lahaa dadka ku barakacay deegaanka Ceeljaalle duleedka degmada.
shirkaan waxaa soo agaasimay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Guddiga gurmadka fatahadaha Ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle kuwaas oo is kugu jira wasiiro iyo xubno kale ,waxaana ka qeybgalay dhamaan hay’addaha gargaarka ee deeqaha bixiya wakiilo ka socday.
Kulankaan oo saacado qaatay ayaa looga hadlay xaaladaha ka jira baladweyne ee fatahaada ay sababtay,sida la is kugu xiro karo ka jawaabida arimaha gurmadka deg deg ah,iyo sida ugu haboon ee dadkaas fatahada saameysay gargaar loo gaarsiin karo, xilli wali qeybo kamid ah magaalada laga barakacayo.
 Guddoomiyaha ha’yadda maareynta ayaa dhinaca kalegoob joog ka noqday xarig jarka xarunta gurmadka deg-deg ah ee Guddiga fatahaada Hirshaballe, oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in lala gargaaro dadka shacabka ah.
Goobjoog News