U bood dhigaalka

Shir Looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya Oo Ka Dhacay New York

Sheeko:Dalka

Magaalada New York ee dalka Maraykanka waxaa ka dhacay shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay si wadajir ah u shir gudoominayeen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay wakiilada wadamada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo qaar ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan, sidoo kalena ay u istaagaan iyaga iyo siyaasiyiintooda sidii ay wadajir uga gudbi lahaayeen 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaalida ay billaabayso wada tashi qaran oo ku aadan Hiigsiga 2016-ka taasi oo Soomaliya u horseedaysa in doorasho Xur iyo Xalaal ah ka dhacdo.

Sidoo kale madaxweyne Xasan ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiradda saarayso arrimo ku aadan amniga iyo dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn ayaa shirkaan waxaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu sheegay in beesha caalamka ay garwaaqsan tahay in xilligaan Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, balse hay’addaha Dastuuriga ee Soomaaliya aysan sameysan karin waqti kororsi.

Goobjoog News