U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Gacan Siinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Lagu Qabtay Magaalada Nairobi

Sheeko:Dalka

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu qabtay shir ballaaran oo looga hadlayay arimaha dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidii gacan loo siin lahaa dhalinyarada.

Waxaa shirkaan soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, waxaana ka qeyb galay ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha dhalin yarada, wasiirka dhalinyarada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Nuur, wakiillo ka socday maamul gobaleedyada dalka ka jira, iyo sidoo kale ururada dhalinyarada.

Shirkaan waxaa diraadda lagu saaray siyaasadda dhalin yarada iyo sidii dhalinyarada dalka looga gacan sii lahaa arimaha la xiriira cabashooyinka dhalin yarada ee dhanka siyaasadda.

Markii uu shirkaasi soo gaba gaboobay waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Nuur, waxaana uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiimad gaar ah leh.

“Wasaaradda waxay horay u go’aamisay in la sameeyo siyaasad ay la jaan qaadi karaan dadweynaha iyo beesha caalamka, laguna taaba gelinayo arimaha dhalinyarada, cabashada dhalinyarada oo aad u badatay awgeed, waxaa lagama maarmaan noqotay in siyaasadaasi la sameeyo” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in wasaaradiisu ku dadaaleyso helista xuquuqda dhalinyarada ka maqan iyo sidoo kale in laga faa’ideysto xooga iyo caqliga ku jira dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Cumar

Goobjoog News