U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayey Amniga Jubbaland Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Kismaayo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose wuxuu kusoo xiray shir Labo maalin socday, kaasi oo looga hadlayey ammaanka guud ee deegaannada maamulkaasi.

Shirkaan ayaa diiradda waxaa si gaar ah loogu saaray howlgallada ay ciidamada DFS, Jubbaland, AMISOM iyo kuwa Maraykanka ka wadaan gobollada Jubblanad, dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo arrimo kale oo amniga quseeya.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa isaga oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in shirkaan uu muhiim u ahaa ammaanka Jubbaland, islamarkaana la isla gartay arrimo u badan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne ku xigeenka in la isla gartay wax walbo oo laga shaqeeyo iney ugu muhiimsan tahay oo kaliya nabad ku noolaanshiyaha Jubbaland.

Shirkan ayaa Isniintii ka furmay magaalada Kismaayo waxaana ka sokow madaxda Jubbaland ka qeybgalay saraakiil ciidan oo isugu jira xoogga dalka, AMISOM iyo Jubbaland.

Goobjoog News