U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayey Amniga Oo Lagu Qabtay Jowhar

Sheeko:Amniga

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ka dhacay shir ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee gobolkaasi.

Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Hirshabelle ayaa hadal ay halkaasi ka jeedisay waxay u sheegtay in loo baahan yahay furista wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in shacabka ay gabeen kaalintii ugu weyneyd ee ahayd iney soo sheegaan dadka ka midka ah Al-shabaab.

‘Shacabka ayaa xiray wadadan, sababtoo ah waxa ay qariyeen dhagar qabayaashii, haddii walaalkaa yahay, wiilkaaga yahay, ama isku qabiil tihiin ha qarin oo adiga kuma deynayee” ayeey tiri Canab.

Dhanka kale, saraakiisha kale ee ka qeybgalay shirkan ayaa sheegay iney ka gio’an tahay dib u furista wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Al-shabaab ayaa marar badan jidka u galay kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiin Hirshabelle ah, waxaana taasi ay keentay iney xiranto isku socodkoo wadadan.

Goobjoog News