U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayey Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Dhacay Nairobi, Kenya

Sheeko:Dalka

Shir looga hadlayey horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ka qeybgalay xubno ka kala socday wasaaradaha ganacsiga, Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya, wakiillo matalayey bangiyada iyo xawaaladaha lacagaha ee ka jira dalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay bangiyada iyo hay’ado dhowr ah oo dalka Kenya ka jira.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana ay sheegeen mas’uuliyiinta safaaradda in diiradda lagu saarayey sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Soomaaliya, iyadoo lagu dhiiragelinayo ganacsatada iyo shirkadaha ajaaniibta ah in ay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Wasiirada Federaalka iyo madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegay in xilligaan aysan jirin dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo caqabada ku noqon kara in dad ajaaniib ah ay maalgashi ku sameeyaan dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qoarsheynta C/laahi Sheekh Cali Qaloocow iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa muujiyey in shirkan uu muhiim u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ay tilmaameen in xilligaan loo baahan yahay hay’adaha iyo shirkadaha ajaaniibta ah inay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Shirkan ka dhacay magaalada Nairobi ayaa muhiim u ah horumarinta Soomaaliya, waxaana hadda aad loo baadi goobayaa shirkado iyo hay’ado maalgashi ku sameysta dalka.

Goobjoog News