U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayey Ka Hortagga Xagjirnimada Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho uga  qeybgalay shir ballaaran oo looga hadlayey ka hortagga xagjirnimada.

Mahdi Maxamed Guuleed Qadar, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yariisow, xildhibaanno iyo xubno kale oo dowladda ah ayaa shirkan ka qeybgalay.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ugu horreyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in culimada aan horey taageero ku filan la siin, sidii ay kula dagaallami lahaayeen fekerkaan xagjirka ah.

“Mushkiladda maanta waa amni la’aan, waxa inoo diidanna waa dad diin sheeganaya, marka arrimaha diinta iyo wasaaradda awqaafta mudnaan gaar ah la siiyo ayeey ahayd, laakiin xoogaa gacan bidixeyn ayaa ka muuqata arrimaha diinta, wasaaradda iyo culimada, marka xoogaa hagar ah baan tirsaneynay” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Wasiir dowladaha wasaaradda awqaafta iyo diinta ahna ku simaha wasiirka oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay qaabka ugu haboon ee lagu daweyn karo xagjirnimada.

“Waxaa muhiim ah in la sameeyo isku imaad badan oo arrintan la dagaalankeeda loo maro meelaha bulshada isugu timaado, in si gooni ah loo bartilmaameedsado fekerka xagjirka”

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya in diinta islaamka si kale bulshada ugu fasiraan, islamarkaana dhib ugu geysta dadka.

Goobjoog News