U bood dhigaalka

Shir looga hadlayey xagjirinimada oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Turkiga (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir balaaran oo looga hadlaayay Xagjirnimada, kaa oo qaban qaabadiisa uu lahaa Ururuka La dagaalanka Qabyaaladda (ATM)

Shirkaan oo daba socday shirar caalami ah, sanadkiiba mar la qabto, ayaa sanadkaan waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, aqoonyahano iyo dhalinyaro.

Waxa uu soconaayay shirkaan muddo Sedax maalin ah, iyadoo culimada ka qeyb gashay ay ka mid yihiin Sheekh Bashiir Maxamed Salaad iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo halkaasi hadalo ka jeediyay.

Mahad Cabdiqaadir Cumar oo ka mid ah ka qeybgalayaasha shirkaan ayaa isaga oo ku sugan Istanbul, u sheegay Goobjoog Fm, in shirkaasi fariin gaar ah loogu diray dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qurba joogta ah.

Sababta fariimaha dhalinyaradaan loogu diray ayuu ku tilmaamay ka dib markii maalmahaan dambe ay soo bateen, dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku biiray Ururada Daacish iyo Al-shabaab.

Gaba gabadii ayaa la’isla gartay in meel looga soo wada jeesto arinta ku aadan xagjirnimada iyo sidoo kale in dhalinyarada Soomaaliyeed arimahaasi laga wacyi geliyo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News