U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Aayaha Gobollada Jubbooyinka Iyo Gedo Oo Ka Furmaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka J/Hoose ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Arbaco ah uu magaaladaasi ka furmo shir looga hadlayo aayaha goballada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya waxgaradka goballadaasi iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Jubbaland.

Waxgaradka ku sugan magaalada Kismaayo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maalinta berri ah (10-febraury-2016) uu shirkani si rasmi ah u furmayo islamarkaana loo baahan yahay in cid walba oo wax ka tabanaysa Jubbaland ay shirkaasi kasoo qeybgasho.

“Hadii aad lahayd waa nala qadiyay, Jubbaland ayaan dacwad ka nahay ama wax baan tabaneynaa waxaan idiin leenahay shirka berri ayuu furmayaa ee kaalaya oo ka soo qeybgala” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Kismaayo ku sugan.

Shirkaan ayaa qaban qaabadiisu waxay Kismaayo ka socotay ku dhawaad Shan bil, iyadoo la doonayo in shirkaan ay ka qeybgalaan xubno aad u dhaliilsanaa maamulka Jubbaland.

Goobjoog News