U bood dhigaalka

Shir Looga hadlayo Amniga Dalka Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal uu ka furmo shir looga hadlayo amniga guud ee dalka, waxaana ka qeybgalaya wasaaradaha amniga ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa ah mid diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee dalka, wada shaqeynta wasaaradahan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Waxaa la filayaa iney ka qeybgalaan wasiirada wasaaradahan iyo mas’uuliyiin kale oo dhanka amniga ah, iyadoo gabagabada shirkanna laga soo saari doono war-murtiyeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News