U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Amniga Galmudug Oo Ka Furmay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa maanta oo Axad ah ka furmay shir looga hadlayo amniga guud ee deegaannada Galmudug.

Shirkan ayaa socon doona Saddex maalin, waxaana ka qeybgalaya wasiirro iyo saraakiil Galmudug ah, iyadoo uu shir guddoominayo madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxyaabaha shirkan diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah horumarka laga sameeyey booliiska, isku dhafka ciidamada Booliiska Galmudug, warbixinno ku saabsan ammaanka iyo in AMISOM ay ka howlgeli doonto Galmudug iyo in kale.

“Guddigani waa kuwii loo soo saaray inuu ka hadlo arrimaha amniga, sida loo sugi karo iyo haddii la kaashanayo beesha caalamka sida AMISOM, in la kala qaato warbixinno ku saabsan amniga Galmudug iyo Arrimo kale” sidaasi waxaa sheegay Sheekh Maxamed Shaakir oo warbaahinnta la hadlay.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlaya arrimaha ku aaddan la dagaalanka Al-shabaab ayaa sheegay in loo baahan yahay in la siiyo gacan dhab ah oo ku aaddan  xoraynta deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada