U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Amniga Oo Maanta Ka Furmaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, waxaa lagu wadaa in manta oo Talaado ah magaalada Kismaayo ka furmo shir ballaaran oo amniga looga hadlayo.

Waxaa shirkaan ka qeybgalaya wasiirada amniga ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka amniga gudaha ee dowladda Federaalka Maxamed Abukar Islow oo xalay fiidkii gaaray magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta uu furo shirkaan.

Shirkaan ayaa ah mid diradda lagu saarayo dardar-gelinta amniga iyo sidii meel looga soo wadajeedsan lahaa Al-shabaab.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale

Goobjoog News