U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Arrimaha Qaxootiga Oo Ka Furmaya Switzerland

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ityo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa halkaasi uga qeybgalaya shir heer caalami ah ee fulinta hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga adduunka.

Waa kulankii 70-aad, waxaana isugu imaanaya dalalka xubnaha ka ah guddiga sare ee fulinta hay’adda QM ee qaxootiga adduunka.
Wasiir Sabriye ayaa matalaya Soomaaliya, waxaana inta kulankaasi socdo looga hadli doonaa arrimaha qaxootiga aduunka, iyadoo lagu ansixin doono qorshe sandeedka iyo miisaaniyadda UNHCR.
Sida qorshaha uu yahay, wasiir Sabriye ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa shirkan qaarkood iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Switzerland.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News