U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Kenya Oo Ka Furmay Biljamka

Sheeko:Dalka

Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka waxa Maanta oo Arbaca ah ka furmay Shir looga hadlayo sidii dalka loogu soo celin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee  ku nool Dalka Kenya.

Shirkan waxa ka qay galaya dhanka Dowlada Federaalka Ra’iisulwasaraha xukuumadda Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Cumar Hadliye iyo xubno kale.

Xubno ka socda  Beesha Caalamka ayaa  ku sugan madasha shirkaan uu ka furmay Maanta waxa sidoo kale ku sugan Saraakiil ka socota  Hay’ada UNHCR.

Dowlada Kenya oo  u dirtay  Shirka wasiirkeeda arimaha gudaha  ayaa ku doodaysa in muhiim ay tahay in Soomaalida ku nool  Xeryaha Qaxootiga Kenya dib loogu celiyo Dalkooda.

Wariye Abuukar Cawaale oo ku sugan halka shirka uu ka dhacayo ayaa Goobjoog News u sheegay in Ra’iisul wasaare Cumar uu ku amaanay dowladda Kenya qaabka ay usoo dhaweysay dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sidoo kale halkaasi ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in cid walba oo si iskeeda ah dalka ugu soo laabanaysa ay soo dhaweynayaan laakiin caalamka looga baahan yahay inay ka qeybqaataan dib u dejinta dadkaasi.

“Ra’iisul wasaaraha waxa uu sheegay in Kenya looga baahan yahay inaysan dadka ku qasbin in dalkooda dib ugu laabtaan, islamarkaana laga doonayo inay Fursad u siiso sidii dhallinyaradii halkaasi ku dhashay lagu siin lahaa sharci iyo shaqo abuur, Bedelkii la dhihi lahaa ku laabta dalkiina ama xerada haka soo bixina” ayuu yiri Wariye Cawaale.

Shirkaan ayaa la filayaa in gabagabadiisa laga soo saaro War-murtiyeed, iyadoo madasha shirka ay ku sugan yihiin Hay’ado badan oo iyaguna doonaya inay kaalin ka qaataan dib usoo celinta Qaxootiga Kenya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News