U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Dastuurka Oo Ka Socda Cadaado

Sheeko:Dalka

Shir lagaga hadlayo arrimaha dastuurka ayaa maalintii Labaad ka soconaya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirka ayaa waxaa shir guddoominaya wasiirka dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, waxaana ka qeybgalaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka ka qeybgalaya shirkan ayaa aragtiyo kala duwan ku biirinaya Dastuurka iyaga oo qodobada qaar ku talinaya in wax laga bedalo ama lagu kordhiyo.

Aragtiyada ay dastuurka ka qabaan dadyowga ku nool dowlad goboleedyada ayaa muddooyinkii dambe wasaaradda dastuurka xukuumadda federaalku ay ku howlanayd.

Wasaaradda dastuurka ayaa shirkan ka soconaya Cadaado ku soo qabatay magaalooyin ay kamid tahay Garoowe.

Dastuurka dalka u yaalla ayaa ah mid KMG, waxaana dowladda iminka jirta howlaha laga doonayo kamid ah dhameystirka Dastuurkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News