U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Hiigsiga 2016 Oo Maanta Ka Dhacaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono hiigsiga 2016-ka, kaasi oo arimo badan diiradda lagu saari doono.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomin doona shirkii ugu horeeyay ee heer wasiir ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah kii labaad ee heer wasiir ee barnaamijka loo yaqaano(High Level Partners Forum) , ayaa waxaa ka soo qeybgeli doona wufuud shisheeye oo 30 gaaraya , iyo in ka badan 120 ergo oo Soomaaliya ka socda, kuwaas oo ay ku jiraan Baarlamaanka, maamullada KMG ah iyo beesha caalamka.

Madashan ayaa waxaa dib loogu eegi doona guud ahaan horumarka laga gaarey barnaamijka Cahdiga cusub, ee diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo amniga lixdii bilood ee la soo dhaafey. Waxaa shirkan dib loogu eegayaa waxyaabaha qabsoomey, sida loo wajahayo caqabadaha jira, in la aqoonsado meelaha ay dulduleelooyinka ka jiraan iyo in si wadajir ah loo go’aansado waxa qabsoomi kara dhammaadka sannadkan 2015.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa horay u sheegay in shirkaan aysan kasoo qeybgali doonin, inkastoo aan la ogeyn in go’aankaasi ka dhabeyn doonaan iyo in kale, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan safar ku tagay magaalada Kismaayo.

Goobjoog News