U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Horumarinta Hirshabelle Iyo K/galbeed Oo Maanta Ka Furmaya Baydhabo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay uu ka furmo shir looga hadlayo horumarinta dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo sidoo kale K/galbeed.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxweynayaasha maamullada, C/casiis Lafta Gareen iyo madaxweyne Waare.

Sidoo kale, waxaa shirkan ka qeybgalaya xubno ka socda Midowga Yurub, waxaana laga wadahadli doonaa sidii maamullada ugafaa’ideysan lahaayeen mashaarciida horumarineed ee midowga Yurub.

Arrinta ugu weyn ee Labada maamul ka wadahadli doonaan ayaa ah sidii ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo midowga Yurub, kaasi oo ku aaddan kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta Labadan maamul.

Shirkan ayaa soo gabagaboobi doonna isla Maanta, iyadoo la filayo in laga soo saaro qodobada la isku fahmay iyo sidoo kale kaalinta Midowga Yurub.

Goobjoog News