U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Ka Hortagga Burcad Badeedda Oo Ka Furmay Hobyo

Sheeko:Dalka

Shir looga hadlayo arrimaha ka hortagga Burcad badeedda ayaa lagu qabtay Magaalada Hobyo, waxaana shrikan soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug oo kaashaneyso hay’adda FAO.

Shirkan ayaa waxaa ka qey-galay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Galmudug, Duqa Hobyo, Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Galmudug Cabdirashiid Maxamed Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey shirkan waxaa uuna yiri .

“Shirkan waxaa uu socon doonaa muddo labo maalin ah, waxaana looga tashan doonaa maadaama meeshaan ay aheyd meel muddo dheer ay saameyn ku laheyd burcad badeedka marka si looga tashdo dhibaatooyinkaas oo kale dadkana looga wacyi-geliyo burcadnimada ayuu ku saabsanyahay shirka”.

Maxamed Abshir oo ah wakiilka hay’adda FAO ayaa shacabka reer Hobyo ku booriyey katashiga arrimaha dhexyaalla.

“Inaad wadatashatiin ayaad wax ku gaari kartaan waa inaad ka wadahadashiin arrimaha dhexdiinna ah”.

Magaalada Hobyo ayaa aheyd meel ay muddo badan saldhig ku la haayeen  kooxaha Burcad badeedda waxaana hadda dadka deegaankaas laga wacyi-gelinayaa in aysan ku soo laaban arrimahaas oo kale.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada