U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Kobcinta Dhaqaalaha Iyo Shaqaaleysiinta Oo Maalintii Labaad Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka, maalgashi sidii loogu sameysan lahaa Soomaaliya iyo shaqaaleysiinta ayaa maalintii Labaad wuxuu ka socdaa magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa soo qabqan qaabisay Geel Project, waxaana ka qeybgalay maalintii Kowaad mas’uuliyiin kala duwan.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, wasiirka Ganacsiga, wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga, shirkado gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya xoolaha, beeraha iyo Kalluunka iyo marti kale ayaa shirkan ka qeybgashay.

Waxyaabihii aadka looga hadlay waxaa ka mid ah sidii wax soo saarka dalka u heli lahaa suuq dibadda ah.

Dhammaan mas’uuliyiintii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa sheegay iney diyaar u yihiin ka shaqeynta arrimaha kobcinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo sidoo kale maalgashiga sidii ay uga shaqeyn lahaayeen.

Maanta aya ala filayaa in shirkan lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho, islamarkaana laga soo saaro qodobo muhiim u ah Soomaaliya.

Goobjoog News