U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Furmaya Hargeysa

Sheeko:Dalka

Shir looga hadlayo maalgashiga deegaannada Somaliland ayaa la filayaa in bartamaha bisha soo aaddan uu ka furmo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Wasiirka waaaradda ganacsiga Somaliland Cumar Shuceyb Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkan ay kasoo qeybgeli doonaan shirkado shisheeye, xubno ka socda dowladda Holand iyo dad daneeya maalgashiga Somaliland.

Waxa uu tilmaamey wasiirka in cid walbo oo daneyneysa iney maalgashi ku sameyso deegaannada Somaliland ay arrintaasi u furan tahay, islamarkaana aanu jirin cid ay si gaar ah u raadinayaan.

“Dowladda Holland, Shirkado ka badan 12 ayaan ku casuunnay waddan iney yimaadaan shir lagu soo bandhigayo maalgashiga iyo fursadaha ka bannaan ee Somaliland, sidoo kale shirkado Germany ah ayaan arrintaan usoo bandhigney, wey imaan doonaan, mana ahan mid xiran oo cid walbo ayeey u furan tahay, waxaana shirkaan la qabanayaa bisha soo socota December bartamaheeda” ayuu yiri wasiirka.

Somaliland ayaa dedaal badan ugu jirta iney hesho maalgashadayaal caalami ah, si loo ballaariyo horumarada ka jira deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News