U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Somali Airline Oo Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shir 3 maalmood ah oo looga hadlo sidii dib loogu soo celin lahaa shirkadii Somali Airline.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen, wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Somali Airline ayaa  waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada  Mudane C/Raxmaan oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in wasaaraddu ay waqti badan gelineyso in dib loo soo celiyo shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline oo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed.

Mudane C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa tilmaamay in kulankaan oo socon doona muddo sadex maalin ah ay ku wareysan doonaan shaqaalihii hore ee Shirkaddaasi, islamarkaana fikrado iyo talooyin ay ka qaadan doonaan.

Goobjoog News