U bood dhigaalka

Shir looga hadlayo xag jirnimada oo lagu qabanayo Turkiga (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

Ururka dhaqdhaqaaqa la dagaalanka qabyaaladda ee ATM ee Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada London ayaa qabanqaabinaya shir weyn oo la’isugu keenayo dadka wax ku oolka ah ee Bariga Afrika iyo adduunka Islaamka, si ay uga hadlaan xagjirnimada.

Dadka shirka ka qeybgalaya waxaa ka mid ah aqoonyahano, culumo diinta Islaamka, Dhalinyaro, Dumar, iyo waliba dad ah dhibanayaal Al-shabaab.

War uu soo saaray ururka ATM ayuu ku sheegey in turjumaadda diinta ay ka bixiyaan Al-shabaaab, taasi oo ay ku saleeyaaan xukumada ay fuliyaaan aanan wali si quman looga doodin gudaha Soomaaliya.

Dadka isugu imanaya shirka ayaa aragtidooda ka dhiibanaya waxa ay ka qabaan fikirka Al-shabaab, iyaga oo sheegaya waxa ay diinta ka qabto, halka dadka kale ay ka hadlayaan waxyaabaha ka dhashay ficilada Al-shabaab.

Goobjoog News