U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Xasilinta Dalka Oo Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shir looga hadlayo xaslinta dalka.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka kala socota maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo sidoo kale beesha caalamka.

Waxaa la is weydaarsan doonaa sida ugu haboon ee loo xasilin karo dalka iyo qaabka loo wajahi karo.

Wasiir Sabriye ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta shirkan ka qeybgala iney aragti ka dhiibtaan sida ugu haboon ee dalka lagu xasilin karo.

Shirkaan ayaa socon doona Hal maalin, waxaana la filayaa in gabagabada laga soo saaro qodobada lasoo jeediyey.

Warkaan  wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News