U bood dhigaalka

Shir Looga Tashanayo Sharciga Lagu Dhisayo Guddiga Madaxa Banaan Ee Xuquuqda Aadanaha Oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir ballaaran oo looga tashanayo sharciga lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee Xuquuqda Aadanaha, kaasi oo ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin dhowr ah.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, xubno ka socday maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo maamullada Sh/dhexe , Hiiraan, xubno ka socday xafiiska UNSOM iyo guddiga Xuquuqul Insaanka baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo ah xubin ka tirsan Guddiga Xuquuqul Insaanka, waxaana uu ka hadlay Ajandeha shirka oo ah in wada tashi laga sameeyo sharciga lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee xuquuqda Aadanaha, waxaana uu sheegay baarlamaanka Federaalka in sharcigaan uu hadda marsiin doono Akhrinta Labaad.

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadashay Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar oo ah wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah, iyadoo ugu horeen u mahadcelisay dadkii kala soo shaqeeyay sharcigaan inuu soo gaaro marxaladda hadda uu marayo, iyadoo tilmaantay in sharcigaan dhameystirkiisa muhiim u yahay maamul gobaleedyada si loo helo aragti rasmi ah oo ay ka wada siman yihiin dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada oo lagu dhisayo guddigan.

Ugu dambeyntii waxaa kulankaasi ka hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isaga oo ku dheeraaday ka hadalka sharcigaan faa’idada uu leeyahay iyo waxa ay tahay xuquuqda Aadanaha.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dastuurka KMG ee dalka u yaalla uu yahay midka sida rasmiga ah xuquuq u siinaya muwaadiniinta, hadii ay noqoto xagga siyaasadda iyo tan bulshada.

Shirkaan ayaa lagu wadaa xubnaha ka qeybgalaya inay soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah, kuwaasi oo loo baahan yahay in lagu daro sharciga hadda horyaalla ee Baarlamaanka, laguna dhisayo guddiga madaxa banaan ee Xuquuqda Aadanaha.

Goobjoog News