U bood dhigaalka

Shir Maalgeshiga Soomaaliya Ah Oo Ka Socda Minneapolis

Sheeko:Dalka

Shir looga hadlayo maalgelinta Soomaaliya oo  halku dhigiisa uu ahaa hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

 Shirkan oo socon-doona 2 maalmood  waxaa goobjoog ka ah  Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, wakiilo ka socday aqalka cad ee loogu arrimiyo Maraykanka iyo dhallinyaro wax ku baratay dalka Maraykanka.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah dadka Somaaliyeed isla markaana ay ka qeybgaleen dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka wax ku bartay.

Waxaa sidoo kale shirka jooga oo dhanka Soomaaliya ka tagay, Shaafi Raabi Kaahin Xogheyaha  rugta ganacasiga Soomaaliyeed, ahna guddoomiyaha  rugta gacansiga ee maamul goboleedka Jubbaland.

Goobjoog News