U bood dhigaalka

Shir Madaxeed Looga Hadlayo Qaska Burundi oo Ka Socda Dar es Salaam

Sheeko:Dalka

 Hogaamiyaasha bariga Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah ku shiraya xarunta Tanzaniya ee Dar es Salaam si ay uga arinsadaan xaaladda qasan ee Burundi.

Wasiirada arimaha dibadda dalalka Kenya, Rwanda, Tanzania , Uganda iyo Burundi ayaa talaadadii ku kulmay Dar es Salaam, iyagoo ka wada hadlay dhibaatada ka taagan dalka Burundi, wasiirada ayaa u gogol xaarayey sidoo kale shir Madaxeedka Arbacada.

Dhibaatada ayaa bilaabatay kadib markii uu Madaxweynaha dalkaasi iyo Madaxda xisbiga talada haya Pierre Nkurunziza uu go’aasaday in uu isu soo taago doorashada dalka ka dhaceysa bisha June 26.

Nkurunziza oo ka tirsan Qabiilka ugu tirada badan dalkaas ee Hutu ayaa Madaxweyne ka ahaa ilaa 2005, dadka ku nool dalka gudihiisa iyo xitaa beesha caalamka ayaa cadaadis ku saaray Nkurunziza in aanu mar dambe jagadaas isku soo sharixin.

Dibadbaxyo ay dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay dalkaasi, waxaa sidoo kale lagu waramayaa in dadka kor u dhaafaya 50,000 ay ka tilaabeen xadka dalkaasi uu la leeyahay wadamada dariska.