U bood dhigaalka

Shir madaxeedka Afrika ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Adis-Ababa ee wadanka Itoobiya.

Sheeko:Dalka

Shirkani oo labo maalmood socday waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh iyo madax kale oo ka socotay wadamada Afrika.

Shirka ayaa arrimaha ugu waa weyn ee lagaga hadlay waxaa kamid ahaa Nabadgalyada iyo qalalaasaha ka taagan wadamo kamid ah Afrika sida Soomaaliya iyo Burundi, Koofurta Suudaan iyo waxa loogu yeero argigixiso.

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka ayaa sheegay in wadamada Africa in ay isku raaceen in Ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Brundi, arrintaas oo ka dhalatay shir gaar ah uu shir gudoomiye ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxwayne Xasan Shiikh oo la  hadlay BBC-da qaybta Africa la hadashay  ayaa yiri  “go’aankii aan ku gaarnay kulankaas shalay wuxuu ahaa in arrintaas la sameeyo iyadoo dowladda Burundi ay ku qanacsantahay haddii dowladda Burundi aysan dooneyn ciidamadaas ma jirto waddo aan ku qasbi karno waxaa kaloo jira isna go’aan kale kaasoo tilmaamaya intii aynaan qaab militeri ku wajahin xaaladda waa inaan halkaas u dirnaa wafdi heer sare ah oo ka socda madaxda wadamada Africa si ay ula fariistaan madaxweynaha Burundi”

Goobjoog News