U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Afrika iyo Isra’il Ee October Oo Gumeysi Cusub Loo Arkay

Sheeko:Dalka

Gumeystaha dunida ku haray ee Isra’il waxaa ay qorsheynayaan damac iyo gumeysi cusub oo qaaradda Afrika, in ka badan 15 dal ayaa hadda jeebka ugu jira, welina waxaa ay raadinayaan xulufo kale.

Shir madaxeedka Afrika iyo Isra’il oo lagu qaban doono dalka Togo October 23, waxaa looga hadli doonaa arrimaha iskaashiga dhinaca technologiyadda, horumarka iyo ammaanka, waa markii ugu horeysay oo shir noocaan ah uu dhacayo.

Benjamin Netanyahu, ra’isul wasaaraha cadawga ayaa la ballansan illaa 20 dal oo Afrikaan ah si uu ugala hadlo xiriirka diblomaasi iyo mid dhaqaale.

Booqasho uu qaaradda ku yimid Netanyahu 2016kii, waxaa uu la galay Afrikaanka heshiisyo gaaraya illaa $13m, arrintaas oo Tel Aviv ugu yeertay mid taariikhi ah.

Netanyahu waxaa uu shaqao ka dhigtay damaca qaaradda Afrika, mar uu ka hadlayey shir ka dhacay Liberia in June 2017, waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay Afrika, ay tahay xaadir iyo mustaqbal.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa qaadacay shirka, waxaa ka mid ah South Africa, Morocco, Algeria, Tunisia iyo Mauritania.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qaramada midoobey 2009-kii, Isra’il waxaa ay qaaradda Afrika ka fulisaa ganacsi sharci darri sida dhoofinta Diamondka, waxaa kale oo ka faa’ideystaa dadka laga tirade badan yahay.

Isra’il waxaa ay dooneysaa in dalal badan oo Afrikaan ah ay dhaqaalaheeda ku tiirsanaadaan, arrintaas oo khatar ku ah jiritaanka dambe ee qaaradda.

Goobjoog News