U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Labada Kuuriya Oo September Ka Dhici Doona Pyongyang

Sheeko:Caalamka

Hoggaamiyayaasha labada Kuuriyada ayaa yeelan doona Shir Madaxeed inta lagu guda jiro bisha September ee soo socota kaasi oo ka dhici doona Pyongyang.

Arrinkan ayaa yimid ka dib markii war-saxaafadeed ay si wadjir ah ay u soo saareen Maanta oo Isniin ah Mas’uuliyiin sar sare oo ka tiransan labada wadan, kadib kulan ay ku yeesheen tuulada ku taallo Xaduuda labada dal ee Panmunjom.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Mas’uuliyiinta ay ku heshiiyeen in loo qabto hoggaamiyayaasha labada Kuuriya Shir Madaxeed kaasi oo ka dhici doona September Caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

27- April ee tagtay hoggaamiyayaasha labada Kuuriya waxaa ay shir Madaxeed Taariikhi ah ay ku yeesheen Xaduudka lagu Muransanyahay ee u dhaxeeya labada dal, halkaasi oo loogu dhawaaqay heshiis nabadgelyo iyo Mid horumarineed .

Shir Madaxeedka waxaa ka dambeeyay kulan kale oo ay yeesheen labada hoggaamiye 26 May ee la soo dhaafay waxaana lagu gorfeeyay Maraxaladda nabadgelyada labada wadan.

Shir Madaxeedka lagu wado in uu ka dhaco  Pyongyang September waxaa uu noqon doonaa kulankii Saddexaad oo si ka fool ka fool ah ay u kulmaan hogaamiyayaasha labada dal.

Goobjoog News