U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta Oo Ka Furmaya Mauritania

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dalka Mauritania ka furmay shir madaxdeedka Jaamacadda Carabta, boqorro, Amiirro iyo Madaxweyneyaal ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan shirka.

Waxaa Maalmihii la soo dhaafay shirar hor u dhac lahaa  wasiirrdda arrimaha dibadda Carabta kuwaas oo u gogol xaarayey ajenyaasha shir madaxeedka

Wakaaladda wararka ee dalka Mauritania ayaa ka soo xigatay xoghaye ku xigeenka guud ee urur Arab League Ahmed Bin Heli in wakaaliadu ay ka doodi doonaan warbixinta uu horay u soo gudbiyey xoghayaha guud ee ururka taasoo ahayd in la qaado tilaabooyin loo wada dhan yahay waxaana arrimahaas laga hadli doono ka mid ah arrinta Falastiin, qilaafka u dhaxeeya Carabta iyo Israel iyo xasaradaha ka aloosan Syria, Yemen iyo Libia.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadli doonaa qaabkii loo mari lahaa taageero la siiyo Soomaaliya, sidoo kale qorshaha ay Sudan ku dooneyso inay dib uga laabato ciidamada qaramada midoobay ee jooga Darfur, qodobada kale ee lagu soo hadal qaadi doono shirka maanta waxaa iyana ka mid ah muranka ka taagan 3da Jasiiradood ay Iran haysato  ee Abu Musa, Greater Tunb iyo Lesser Tunb iyo faragelinta Iran ay ku hayso waddamada carabta.

Arrimaha kale ee diiradda lagu saarayo shirka waxaa ka mid ah in la difaaco ururka pan-Arab national security ee ah urur lagula dagaalamo xagjirnimada iyadoo la doonayo in isbedelo lagu sameeyo .

Ben Helli ayaa sheegay in kul madaxeedkan 27aad la qabanayo iyadoo ay jiraan duruufo muuqda wuxuu intaas ku daray in kulankan ka dhacaya magaalada Nouakchott ay fursad u tahay si toos ah lagula xariirayo dadka Mauritania laguna xoojinayo iskaashiga ka dhaxeeya Carabta iyo Afrikaanta iyadoo Mauritania ay noqoneyso buundo u dhaxaysa wadamada Carabt iyo Afrika

Goobjoog News