U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Nato Oo ka Furmaya Maanta Brussels

Sheeko:Caalamka

Waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Brussels ee caasimadda Belgium-ka shir madaxeedka ururka Nato waxaa uuna socon doonaa muddo saddex maalin ah.

Shir madaxeedkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya madaxda ku mideysan ururka Nato sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu ka soo qeyb-galo madaxweynaha Mareykanka Donald Turmp.

Sidoo kale Isniinta soo socota waxaa ka furmaya magaalada Helsinki ee caasimadda Finland Shir madaxeedka Trump iyo Putin waxayna uga hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada waddan iyo Suuriya.

Goobjoog News