U bood dhigaalka

Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta Oo Lagu Qabanayo Riyaadh, Sacuudiga

Sheeko:Dalka, War

Xogheynta guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in shir-madaxeedka Carbeed lagu qaban doono caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh 15 bisha Apriil ee soo socota.

Xogheyaha guud ee ururka Jaamacadda Axmed Abuu Qeydh ayaa intaasi ku raday shalay oo Talaado aheyd in ay xogheynta dowladda Sacuudiga ay u soo dirtay waraaq rasmi ah oo ku saabsan in shir-madaxeedka lagu qaban doono Riyaadh iyo in dowladaha xubnaha ka ah ururka la gaarsiiyo arrintaasi.

Abuu Qeydh ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay  in kulan madaxeedka uu ka horreeyo kulamo qorsheed oo bilaabanaya 9 Apriil ee soo socota.

Wasiiru dowlaha Sacuudiga ee arrimaha Afrika Axmed Qadaan ayaa ku dhawaaqay 7 bishaan Maarso ee socota in dib loo dhigay qabashada shir madaxeedka  Carabta ee Riyaadh, waxaa uuna arrintaasi ka sheegay xiritaankii wareegga 149 ee golaha Jaamacadda Carabta heerkiisa wasiirada arrimaha dibadda oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Goobjoog News