U bood dhigaalka

Shir Madaxeedkii Ugu Horreeyay Ee Trump Iyo Putin Oo ka Dhacaya Finland

Sheeko:Caalamka

Moscow iyo Washington ayaa ku heshiiyay in shir madaxeed loo qabto Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kaasi oo lagu qabanayo waddan saddexaad.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii ay kulmeen Putin iyo la taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad  John R. Bolton.

Trump ayaa yiri “ Waxaa la kulmi doonaa Putin ka dib shir madaxeedka Nato, kaasi oo lagu wado in lagu qabto Brussels bisha soo socota”. Waxaa uu tilmaamay in Shir madaxeedkooda lagu qaban doono Helsinki oo ah caasimadda Finland.

Trump ayaa Wariyeyaasha u sheegay in uu kala hadli doono dagaalka Suuriya iyo xaaladda  Ukraine dhiggiisa Ruushka marka ay kulmaan.

John R. Bolton. Ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay doonayaan in Shir madaxoodkooda ay ku wanaajiyaan xiriirka labada dal, waxaa uuna yiri “ Madaxweyne Trump ayaa dareemay in shir madaxeed la qabto arrinkaasna Putin waa uu ku raacay in ay kulmaan oo ay ka hadlaan dhibaatada dhexdooda ah  iyo inay is kaashadaan inta ay goori goor tahay”.

John ayaa caddeeyay in ay ka qeyb-qaadaneyso wanaajinta xiriirka Mareykanka iyo Ruushka deganaashaha dunida.

Goobjoog News