U bood dhigaalka

Shir u Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada Oo Ka Furmay Jigjiga

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo xoojinta iyo iskaashiga deegaannada Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya, kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergo aad u badan.

Shirkan oo ah kii Labaad ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Oromada, aqoonyahanno, waxgarad iyo sidoo kale bulshada qeybaheeda kala duwan.

Inta shirkan uu socdo ayaa diiradda waxaa lagu saari doonaa nabad ku noolaanshiyaha Labada dhinac, dhaqaalaha iyo iskaashigooda.

Shirkan ayaa socon doona Labo cisho, iyadoo la filayo gabagabadiisa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga shiray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjog News