U bood dhigaalka

Shir weyne Looga Hadlayo Amniga Oo Maanta Ka Furmay Garoowe (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa maanta ka furmay shirweyne looga hadlayo amniga deegaanada Puntland iyo sidoo kale la dagaalanka Al-shabaab.

Shirkaan waxaa furay madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar, waxaana halkaasi ku sugnaa Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Saciid Xasan Shire , Culimo Soomaaliyeed, xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Puntland, Gudoomiyayaasha gobalada iyo degmooyinka maamulka Puntland ka taliyo, saraakiil ciidan, Ururada Bulshada Puntland iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Saciid Xasan Shire oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay ku amaanan yihiin sidii ay ula dagaalameen Al-shabaab iyo sidoo kale cid walba oo amniga wax u dhimaysa, waxaana uu sheegay in shacabka iyo ciidanka looga baahan yahay in ay iska kaashadaan la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Camey oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay in ay meel uga soo wada jeestaan ciribtirka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Injineer Camey ayaa sheegay in Al-shabaab aysan soo dhaweyn galin, shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa uu ugu baaqay in ay hal aragti ka qaataan Al-shabaab.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

K10 K9 K8 K7 K6 K5 K4 K3 K2 K1

Goobjoog News