U bood dhigaalka

Shirarka Aysan La Socon DFS Oo Laga Mamnuucay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Laamaha ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa mamnuucay in magaaladaasi lagu qabto shirarka siyaasadeed ee aanay ka warhayn dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in marnaba aan la qabankarin shir aan fasax looga qaadan dowladda federaalka, waxaana Milkiilayaasha Hoteellada ku yaalla Dhuusamareeb loo geeyey warqado digniino ah oo arrintan ku aaddan.

Cid walbo oo qabata shir aan fasax looga haysan dowladda federaalka, kuna saabsan siyaasadda ayaa la sheegay in tallaab adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markaan u muuqata mid cadaadis xooggan sii saareysa siyaasiyiin ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee aragti ahaan dhankeeda aad uga fog.

Goobjoog News