U bood dhigaalka

Shirka Afisiyooni Oo Maalinti Labaad Furmaya

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadaha soo socda Teendhada Afisiyooni ka  Furmi doona Maalintii labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka .

 

Shirkan oo shalay si hor dhac ah u bilawday ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Gobaleedyada dalka .

 

Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble , Madaxweeynayaasha Dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur galbeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa kulama hor dhac ah yeeshay xilli ay ka maqnaayeen Madaxda dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland .

 

Kulanka ka dhacaya Afisiyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Xubnaha Beesha Caalamka iyo Taliska ciidamada AMISOM .