U bood dhigaalka

Shirka Afrika ee Johannesburg : Xariga Al-bashiir iyo Ajendaha Shirka(Akhriso)

Sheeko:Dalka

Waxaa Johannesburg ka furmaya maanta oo Axad ah shir madaxeedka Afrika 25-naad ee Afrika

Shirka sanadkan oo looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin Liibiya, Masar, Koofurta Suudaan, Burundi, Dhaqaalaha Qaaradda iyo arimo kale ayaa waxaa la filayaa in Afrikaanka ka faa’ideystaan.

Maalinta koobaad ee shirka, Waa xafladda furitaanka, Khudbadda soo dhaweynta ee Jacob Zuma, Khudbadda Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, Khudbadda Madaxa AU-da Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, Waxaa kaloo hadli doono Maxamud Cabaas Madaxweynaha Falastiin, waxaa kaloo hadli doono hogaamiyaasha Afrika ee sanadkan la doortay.

Shirkan Waxaa ka qeyb galaya Madax iyo Mas’uuliyiin ka socota 54 dal oo ka tisran Midowga Afrika, Waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Dhinaca kale, shirka waxaa ka maqnaan doona Madaxweynaha Masar Cabdifitax Al-sisi oo waxaa matali doona Ra’isul Wasaaraha dalka Ibraahim Mixlib.

Waxaa sidoo kale muran ka taagan yahay ka qeyb galka Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir oo shirka ka qeyb galaya xilli K. Afrika ay ka mid tahay 123 dal oo horay u saxiixay Maxkamadda Dambiyada Aduunka.

Madaxweynaha Suudaan ayaa loo heystaa falal Dambiyeed ka dhan ah Banii’aadanimada oo ka dhacay Darfur, 2009-kii ayey Maxkamadda Dambiyada amartay in la qabto Al-bashiir lakin ilaa iyo hadda laguma guuleysan.