U bood dhigaalka

Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda u Adkeysiga Aafooyinka oo ka Furmey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ka shaqeynta iyo Ansixinta qorshaha u adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya sida abaaraha, Daadadka iyo dagaalada ayuu ku saabsanaa shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa urur goboleedka IGAD Islamarkaana ay ka qeybgaleyn Wasiirka wasaarada, xubno ka socday IGAD iyo qaar kamida wasaaradaha dolwadda.

Xubnaha shirka ka qeyb galay  ayaa is weedaarsaday doodo iyo tallooyin ku saabsan hagajinta iyo ansixinta qorshaha u adkeysiga aafooyinka oo muhiim u ah bulsahada soomaaliyeed, Iyadoo shirka waxa kasoo baxa ee la ansixiyana ay qeyb ka noqon doonaan qorshaha guud ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa  Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ka qeybgalayaasha ay Masuuliyad weyn ka saarantahay hagaajinta iyo ansixinta Istaraatiijiyadda u adkeysiga aafooyinka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan xoolo dhaqatada, Beeraleyda, Kalluumeysatada   iyo dadka reer guuraga ah, si ay uga gaashaantaan Abaaraha, Daadadka, Dagaaladda iyo Musiibooyinka dabiiciga ah.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay garab istaaga dadka reer guuraaga ah oo la kumo dhibaatooyin kala duwan oo dhanka abaaraha ah.

Goobjoog News