U bood dhigaalka

Shirka Ay Qatar Maal-gelisay Ee Kooxda xiriirka Soomaaliya(OIC) Oo Noqday Mid Matalaaddiisu Hooseyso

Sheeko:Dalka

Shirka Kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa diblomaasiyad ahaan u dhacay qaab matalaad hoose, waxaa loogu talo-galay wasiirrada arrimaha dibadda ee 15 dal ee uu ururka ka koobanyahay, laakin ma joogin wax wasiir buuxa ah.

Shirkan uu shir guddoominayey wasiiru dowlaha dalka Qatar ahna dalka maal-geliyey shirka, waxaa joogay 11 dal, ay ugu muhiimsanayeen wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Suudaan, Kaaliyaha wasiirka arrimaha ee Kuwait, kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar, waxaa iyana yimid wufuud ka socotay Pakistan, Malaysia iyo Azerbaijan iyo dalal kale ay Djibouti ku jirto oo ay safiirro u joogeen.

Waxaa jirtay 3 dal oo aan iman shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, waa dalalka  Gaboon,  iiraan iyo  Brunei.

Shirkan oo si joogta ah loo qabanayey laga soo bilaabo 2007-dii, caada ahaan, waxaa isugu yimaada wasiirrada arrimaha dibadda ee Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen.

Marka laga soo tago ahmiyadda in shirku ka dhacay Muqdisho, qodobka ugu muhiimsanaa waxaa uu ahaa in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta.

Akhriso: War-murtiyeedka Shirka:

Goobjoog News