U bood dhigaalka

Shirka Cahdiga Cusub ee Muqdisho Ka Furmaya Waxaa Ka Qeybgalaya 120 Ergo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa beri si wadajir ah u guddoomin doona shirkii ugu horeeyay ee heer wasiir ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah kii labaad ee heer wasiir ee barnaamijka loo yaqaano(High Level Partners Forum) , ayaa waxaa ka soo qeybgeli doona wufuud shisheeye oo 30 gaaraya , iyo in ka badan 120 ergo oo Soomaaliya ka socda, kuwaas oo ay ku jiraan Baarlamaanka, maamullada KMG ah iyo beesha caalamka.

Madashan ayaa waxaa dib loogu eegi doona guud ahaan horumarka laga gaarey barnaamijka Cahdiga cusub, ee diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo amniga lixdii bilood ee la soo dhaafey. Waxaa shirkan dib loogu eegayaa waxyaabaha qabsoomey, sida loo wajahayo caqabadaha jira, in la aqoonsado meelaha ay dulduleelooyinka ka jiraan iyo in si wadajir ah loo go’aansado waxa qabsoomi kara dhammaadka sannadkan 2015.

Iyadoo laga shidaal qaadanayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee nambarkiisa yahay 2232 (2015) oo maanta la meel mariyey, Madaxweynaha iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkan diiradda ku saari doona muhimadda ay leedahay in wax la taaban karo loo qabto shacabka Soomaaliyeed: sida in adeegyada bulshada si hufan loo baahiyo, soo celinta sharciga iyo kala dambeynta, ciribtirka kooxda Al Shabaab iyo xaqiijinta dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Goobjoog News