U bood dhigaalka

Shirka Copenhagen oo loo tabaabusheysanayo, balse ay hubanti la’aan badan jirto

Sheeko:Dalka

MUQDISHO- Soomaaliya :- 19-ka bishan November, magaalada Copenhagen waxaa lagu qabanayaa shir Heerkiisu Sareeyo oo ah waxa loogu yeero La Macaamil Cusub (New Deal) kaasi oo uu qorshuhu yahay in lagu kala qoondeeyo, laguna bixiyo lacagihii horey loogu yaboohay Soomaaliya.

Hiigsiga cusub

Shir hordhac ah oo loogu tabaabusheysanayo shirkaasi oo Muqdisho lagu qabtay 10-kii bishan ayaa waxaa ka qeybgalay dowladda Federaalka, iyo maamulada kala ah Puntland, Galmudug, maamulka gobolka Banaadir, iyo maamulka Jubba, halka dhinaca kale miiska ay fadhiyeen xubnaha beesha caalamka u matalaya Soomaaliya.

Hadaba waxaa jira hubanti la’aan ka taagan shirkani iyo sida looga mirodhalin karo waxyaabaha Ajandaha ku jira. Warbixintani ayaan si faahfaahsan oga hadlaynaa illaa iyo hadda waxa muuqda.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo war qoraal ah soo saaray maalin kadib shirka ayaa waxa uu sheegey talaabooyinka muhiimka ah ee ay tahay in la qabto

Hawlaha loo baahanyahay lixda bilood ee soo socota in la qabto waxaa ka mid ah dhismaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta, dowlad-goboleedya mustaqbalka xubnaha ka noqonaya federaalka; iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka” ayuu yiri Kay.

Iyada oo uu hadda dalka ka jiro muran siyaasadeed oo weyn, lagana yaabo in bilo dhawr ah qaadato inta laga soo dhisayo xukuumad cusub haddii la rido Ra’isulwasaaraha hadda jooga, hawlaha beesha caalamka ay dooneyso in ay ku qabsoonto lix bilood ayaa u muuqan kara kuwa aanan la haleeli doonin.

Sidoo kale khilaafka waxa uu keeney in dowladda Maraykanka oo ka mid ah deeqbixiyaasha ugu waaweynaa ee yaboohii shirkii Brussels ee qabsoomey 16-kii 2013, wuxuu Maraykanka ku yaboohay xiligaa $69 malyuun oo doolar.

Hadda oo uu Maraykanka meesha ka baxay khilaafka madaxda dartiis, lacagtii uu yaboohayna meeshii lagu soo qaadan lahaa uu yahay shirka Copenhagen ayaa waxaa halkaasi ka cad in waxa shirkaasi laga filan karo ay iska yihiin wax yar. Waxaa intaasi sii dheer walwal laga qabo in dalal kale ay ku daydaan Maraykanka.

Lacagihii la yaboohay aad ayay u yartahay waxa laga heley ama soo gaaray Soomaaliya, dad kala duwan oo ay Goobjoog la hadashayna waxa ay u sheegeen in qarashka yar ee illaa hadda laga bixiyey lacagtii la balanqaaday uu yahay mid ku baxay dhanka maamulka, shirarka, duulimaadyada iyo waxyaabo la mid ah.

Markasta oo ay dib u dhacaan bixinta lacagaha lagu yaboohay, waa mar kasta oo ay dib usii dhacayaan hawlihii la qaban lahaa, tanina waa eed ay beesha caalamka yeelanayso. Mid ka mid ah dadkii Goobjoog ay arrinkani wax ka weeydiisey ee xog ogaalka ah, balse aanan dooneynin in magaciisa lasoo xigto, ayaa sheegey in laga yaabo in sanadka dambane la qabto shir kale oo kan oo kale, sababtuna ay tahay dib u dhacyada waaweyn ee hadda dhacay.

Waxaa jira qorshe muddo sanad ah laga shaqeeynayay oo qeexaya sida loo isticmaalayo lacagtii $2.4 bilyan ee doolar ee lagu yaboohay, qorshahaasi wuxuu leeyahay qeybo kala duwan iyo qaabka dalalka u kala qeybsadeen bixinta lacagta, laakiin dowladda federaalka iyo Soomaaliya inteeda kale ma jiro qorshe ay ka mideysanyihiin oo meel ool u ah.

Tusaale ahaan Puntland waxa ay gudbisey qorshe shan sano ah oo labo jibaar ka weyn kan dowladda federaalka ay maanka ku hayso.

Maamul goboleedyada sida Galmudug iyo Jubbaland iyo Puntland iyagu waxayba shaki ka qabaan dowladda federaalka iyo sida ay usoo gaarayso lacagta lasoo dhiibo.

Inta aanba la gaarin waxqeybsiga waxa ay maamul goboleedyada iyo dowladda isku hayaan tirada ergada oga qeybgalaysa shirka, waxa ay dowladda ku qasbataanay in ay dowladda Denmark weeydiisayo in ay wufuuda kordhiso, balse ma aysan suurogalin.

Barnaamijkani Hiigsiga cusub waa mid wadamada adduunka ay ku heshiiyeen shirkii magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya sanadkii 2011-kii, waa qorshe loogu talogalay in lagu soo dhiso dalalka fashilmey ama aanan dhidibada adag ku taagneyn, kuwaasi oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Waxaa lagu saleeyaa hadba baahiyaha kala duwan ee wadamada, Soomaaliya waxaa loo dhigey shan hadaf oo waaweyn in laga mirodhaliyo, waxaana ka mid ah

  1. Siyaasad la’iska wada dhex arkayo, taasi oo dadka oo dhan matali karta
  2. Amniga , sharciga iyo kala dambeynta
  3. Caddaalada
  4. Asaaska dhaqaalaha dalka
  5. Canshuuraha iyo adeegyada asaasiga ah

Waxaanse la ogeyn sida la’isu waafajinayo muhiimadaha beesha caalamka iyo muhiimadaha Soomaalida

Hadaba Goobjoog waxa ay heshey ajandaha shirka Copenhagen kaasi oo ay ku cadahay qodobadani aan soo xusney oo dhan.

Ajandaha shirka Copenhegan

19 November 2014

  1. Kalmadaha soo dhaweynta (10:30 – 10:30)

Khudbadaha furitaanka waxaa jeedinaya gabadha ah Ra’isulwasaaraha Dernmark Helle Thorning-Schidt iyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jefrfrey Feltman.

  1. Aragtida sanadka 2016-ka (10:30-12:15)

Waxa ay ergadu ka doodeysaa horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay dhismaha maamul goboleedyada iyo dhamaystirka iyo meelmarinta dastuurka iyo waliba qabashada doorashooyin sanadka 2016-ka.

Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka arrimaha dibada Denmark Martin Lidegaard

  1. Amniga iyo xasiloonida (12:30 – 13:30)

Waxaa laga doodayaa xadgudyada ciidamada, qorshaha xasilinta dalka, iyo saameynta hawlaha amniga ku yeelan karaa gargaarka

Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka arrimaha dibada Denmark Martin Lidegaard.

Qado 

  1. Xoojinta isla xisaabtanka maaliyadda, hufnaanta iyo iskaashiga (15:00 – 16:30)

Ka doodista maamulka maaliyadda iyo iskaashigan qorshaha Hiigsiga cusub

Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga ee Denmark Mogens Jensen

  1. Xiritaanka shirka : Soo koobis iyo khudbadaha xiritaanka (16:30-17:15)

Waxaa hadalka xiritaanka jeedinaya madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman iyo wasiirka arrimaha dibada Denmark Mogens Jensen

20 November 2014

  1. Nabadda iyo hiigsiyada dhismaha dowladeed 2014-ka iyo 2015-ka (08:00-10:00)

Waxaa laga doodayaa Siyaasadda la’iska wada arkayo , amniga iyo caddaalada

  1. Nabadda iyo hiigsiga dhismaha dowladnimada 2014-ka iyo 2015-ka (10:15 – 12:15)

Waxaa laga doodayaa asaaska dhaqaalaha, iyo uruurinta canshuuraha

Quraac 

  1. Dib u eegiska samofalka, gurmadka, iyo qorshayaasha fog (13:45-15:30)
  2. Khudbadaha xiritaanka

Goobjoog News