U bood dhigaalka

Shirka Dib u Heshiinta Galmudug oo Furmay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa caawa fiidkii si rasmi ah magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad gobaleedka Galmudug uga furmay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug iyo dhismaha maamul dadka reer Galmudug u wada dhan yihiin.

Xafaladda furitaanka shirka ayaa hadda ka socota hoolka loo asteeyay in lagu qabto shirka ee magaalada dhuusamareeb, waxaana shirka ka soo qeyb galay ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Xasan Cali Kheyre, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Axmed, xildhibaanno labada gole ee Baarlamaanka federaalka iyo Ergo mataleysa beelaha daga Galmudug oo gaaraya ilaa 500 ergo.

Galabta ayey aheyd markii magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen wafdi isugu jira senatarro iyo xildhibaanno uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, oo ka mid ahaayeen Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Odawa, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka soo anbaba baxay magaalada Hobyo oo ay uga soo qeyb galeen xiritaanka shirkii dhawaanahan ka socday magaalada Hobyo,.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug oo caawa magaalada dhuusamareeb ka furmay Dr, Cabdiraxmaan Cabdullaaahi Baadiyoow, ayaa xusay in shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug uu yahay aas aas u ah maamul dowladnimo oo ka hana qaada deeganada Galmudug.

Goobjoog News