U bood dhigaalka

Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo maalintii saddexaad galay

Sheeko:Dalka
Kismaayo
Kismaayo

Waxaa maalintii saddexaad galay shirka dib u heshiisiinta beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo xilli beelaha qaar ay dhaliilsanyihiin qaabka uu ku furmay shirkaasi.

Nabadoon Maxamed Barre oo ka mid ah ergadii ka timaaday degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa isaga oo u waramayay Goobjoog FM waxa uu sheegay in shirku uu u gudbay qeybtii heshiiska ee qabaa’ilka kadibna waxa uu shaaciyay in ay u gudbayaan qodobada kale ee shirka.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in ergeda ka qeyb galeysa shirka ay aad isugu soo dhowaanayaan fikir ahaan, lana dhameyn doono dul duleedyada jira.

Dhanka kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka Kismaayo uu weli u furan yahay dhinacyada kale ee dhaliilsan qaabka uu shirku ku bilowday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo u waramayay Goobjoog FM ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal u gashay sidii loo soo af jari lahaa khilaafaadkii siyaasadeed ee hareeyay shacabka wada dega gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.