U bood dhigaalka

Shirka Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maalintiii Labaad Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maalintii Labaad waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasi oo arrimo badan looga hadlayo.

Shirkaan ayaa Madaxdu waxaa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada-shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada  Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Saciid ayaa sheegay in shirkaan uu muhiimad weyn uu u leeyahay dadka iyo dalka, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay ka socdaan guud ahaan dalka dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

“Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”

Furitaanka shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

Shirkaan wadatashiga ayaa waxaa uu galay maalintii labaad waxaa lafilayaa in marka uu soo gabagaboobo laga soo saaro war-murtiyeed.

Goobjoog News