U bood dhigaalka

Shirka Garoowe Oo Maalintii 5-aad Galay

Sheeko:Dalka

Shirka magaalada Garoowe uga socda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintii 5-aad iyada oo aan wax la taaban karo la qaban.

2-badii maalin ugu dambeysay waxaa lagu mashquulsanaa arrinta dowlad goboleedka Galmudug, waxaana wada hadal arrintaasi ka lahaa madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf, wararka qaar ayaa sheegaya in arrimihii la isku heystay aan weli xal laga gaarin.

Dhinaca kale, shirkan waxaa la filayaa in lagu dhiso gole iskaashi oo ay yeeshaan dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe, kaas oo ay ka shaqeyn doona arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Fikraddan waxaa lahaa oo soo-jeediyey dowlad goboleedyada kadib markii 2-badii sano ee la soo dhaafay oo fashilmay golaha amniga oo labada dhinac ay ku bahoobeen.

Dowladda Xasan Sheekh waxaa ay leedahay Madasha Wadatashiga Qaranka, taas oo keentay in lagu heshiiyo arrimo badan oo ay ku jirtay doorashadii dadbaneyd ee la qabtay 2016/2017.

Goobjoog News