U bood dhigaalka

Shirka Garoowe Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, kaasi oo ka socda magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Shirkan ayaa galay maalintiisii Saddexaad, waxaana madaxda ka qeybgaleysa ay ka hadleen arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha diiradda lagu saaray inta shirkan uu socday waxaa ka mid ah, arrimaha ammaanka, qeybsiga kheyraadka iyo xiriirka DFS iyo maamul goboleedyada.

Xalay waxay madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo K/galbeed yeesheen kulan gaar ah oo lagu lafa-gurayey arrimaha la xiriira war-murtiyeedka shirkan laga soo saari doono.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News